Kenya oo ka jawaabtay digniinta Mareykanka ee la xiriirta weeraro ka dhaca dalkaasi

Dowladda Kenya oo ka jawaabaysa digniin dhanka amaanka la xariirta oo ka soo yeertay Mareykanka ayaa sheegtay in ay qaaday tilaabooyin lagu adkaynayo amaanka dalkaasi.

Ciidamada Booliska ayaa dadweynaha Kenya u xaqiijiyay in amniga waddanka si wayn loo adkeeyay, sidaasi awgeedna aynan jiri karin sabab ay walaac uga muujiyaan badqabkooda.
Kenya ayaa intaasi ku dartay in ciidamada ka howlgala qaybaha kala duwan ee dalka ay heegan sare ku jiraan, si digniinta Mareykanka ay ka heshay ugu tooghayaan.

Hadalka Booliska ayaa ku soo aadaya, iyada oo safaaradda Maraykanka ee Kenya ay soo saartay jimcihii digniin ku aaddan weerarro argagixiso oo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan gudaha dalka, waxaana muwadainintooda ay ku boorisay in ay aad u taxadaraan si aan loo bartilmaameedsan.

Muwaadiniinta Soomaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi ayaa iyagu si ka duwan sida shacabka Kenayanka ah wajaha culeyso dhanka baaritaannada kaga imaanaya, inkasta oo dowladdu shacabka ku fartay in ciidamada qaranku heegan ugu jiraan sidii ay difaaci laheyd.

Gudaha Kenya waxaa horay weerarro dad badan ku dhinteen ugu geystay kooxda Alshabaab, halka xukuumada Nairobi ay sheegtay in fashilisay dhowr weerar oo lala damacsanaa in gudaha dalkaasi laga geysto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed