Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo si adag u difaacay heshiiska military ee Masar

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo maanta Muqdisho hadal uu jeediyay wuxuu ku soo qaaday arrimo xasaasi ah oo ku aadan ficillada Itoobiya iyo heshiiska dhanka difaaca ah ee Soomaaliya la saxiixatay Masar.

Xamsa ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay difaaca qaranimada Soomaaliya, isaga oo ku booriyay shacabka inay ilaaliyaan wadajirka iyo madax bannaanida dalka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sida oo kale sheegay in Itoobiya ay doonayso labo jid midkood in ay xoog ku qaadato badda Soomaaliya ama in loo hirgaliyo heshiiska ay la galeen Somaliland.

“Itoobiya waxay rabtaa in sidii ay u saxiixatay MoU-ga loogu daayo ama ay xoog ku qaadato, taas wax aan hayno majirto Itoobiyana halkaas ayay taagan tahay” ayuu yiri.
Sida oo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta Masar oo xiisadda sii kordhisay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay iskaashi la samaysato dal kasta oo dan u ah dadka iyo dalka.

“Xaq-baan u leenahay haddii aan Soomaali nahay haddii aan dowlad kale u tegnay oo Carbeed oo aan dhahnay annagana na caawiya oo ay dheheen waa idin caawineynaan, micnaheeda ma’aha inaan ku duuleyno dowlad kale” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu.

Ugu dambeyn wuxuu si xoogan u dhaliilay siiyaasiin uu sheegay in ay bulshada iska horkeenayaan, isla-markaana ay marin habaabinayaan arrinta badda oo uu tilmaamay in waajibka koowaad ay tahay in la difaaco.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed