Xuutiyiinta oo diyaaradii 2-aad ee dagaal oo Mareykanku leeyahay soo riday muddo 72 saacadood ah

Kooxda Ansar Allah ee loo yaqaan Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa shaaca ka qaaday inay soo rideen diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo Mareykanku leeyahay ahna mid ka mid ah diyaaradaha qaaliga ah ee casriga ah.

Diyaaradan oo nooceedu yahay MQ-9 ayaa Xuutiyiintu sheegeen inay ku soo rideen gobolka Sacda ee waqooyiga Yemen, waana diyaaradii labaad ee noocaa ah ee Xuutiyiintu soo ridaan muddo 72 saacadood ah, sidoo kale waa middii sagaalaad tan iyo markii ay bilowdeen hawlgallada ay ka wadaan badda caalamiga ah, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta Jeneral Yaxye Sariic oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Sanca.

Dhinaca kale, Taliska Dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa dhankooda maanta sheegay inay ku guulaysteen inay burburiyaan laba gantaal oo ay lahaayeen Kooxda Xuuthiyiinta, iyo gaari ay leeyihiin kooxda Xuutiyiinta, weerar ka dhacay deegannada kooxdu ay maamusho 24-kii saac ee la soo dhaafay.

War qoraal ah oo lagu soo daabacay barta X ee taliska CENTCOM ayaa lagu sheegay in ay sidoo kale ku burburiyeen Badda cas diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Xuuthiyiintu leeyihiin.

Taliska CENTCOM ayaa intaasi ku daray in agabkan cidan ay khatar ay ahaayeen ama khatar ku soo fool lahayd ciidamada Maraykanka, ciidamada isbahaysiga loogu magac daray Hawlgalka Ilaallada Barwaaqada iyo waliba maraakiibta ganacsiga ee gobolka.

Tan iyo bishii November kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa waday weeraro ka dhan ah maraakiibta Israaiil laga leeyahay ama kuwa ku socda dekadaheeda, iyagoo markii dambe ku daray maraakiibta Mareykanka iyo xulafadiisa ka dib markii ay bilaabeen hawlgallo duqeyn ah oo lagu qaaday goobaha Xuutiyiintu ka taliyaan si loo joojiyo weerarrada ay ku hayaan maraakiibta gooshaysa badaha caaalamiga ah.

Inkastoo ilaa iyo xilligaas isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ay qaadeen weeraro ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsanayaan “goobah ay Xuutiyiinta ku leeyihiin” qeybo kala duwan oo ka tirsan dalka Yemen, haddna kooxda Ansurallah ama Xuutiyiintu waxay sii wadaan weerarrada ay ku qaadayaan maraakiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiga ee Badda Cas, Badda Carabta, Badweynta Hindiya iyo Baddaha kale ee gobolka.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed