17 arday oo ku geeriyootay dab ka kacay Iskuul ku yaal dalka Kenya

Ugu yaraan 17 arday ayaa ku geeriyootay 14 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay iskuul ku yaala bartamaha dalka Kenya subaxnimadii hore ee jimcaha sida ay xaqiijiyeen maamulka.

Dabka ayaa ka kacay Akadeemiyada Hillside Endarasha ee magaalada Nyeri oo qiyaastii 150 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Nairobi, waxaana dabkan uu qabsaday qol jiif oo dambas noqday.

Afhayeenka Boliska Kenya, Resila Onyango, ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in Kooxaha Gurmadka deg-degga ah ay Ardayda dhaawacantay u daabuleen Isbitaal ku dhow, halkaas oo lagu daweynayo Gubashada daran.

Dabka ayaa geystay khasaare baaxad leh, taasoo keentay in la ogaado dadka ku waxyeeloobay qaraxa, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay gubteen iyadoo aan la aqoonsan karin, sida uu sheegay mid ka mid ah TV-yada maxalliga ah. Ciidamada ayaa bilaabay baaritaano ay ku ogaanayaan waxa sababay dabka.

Bishii Sebtembar 2017, dab ka kacay dugsiga gabdhaha ee Moi ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ku dhintay sagaal arday, iyadoo markii dambe la go’aamiyay in dab la qabadsiiyo.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa dabkan ku tilmaamay mid argagax leh, isla markaana khasaare geystay, wuxuuna amray in la baaro.”Kuwa masuulka ka ahaa waa lala xisaabtami doonaa,” ayuu ku soo qoray baraha bulshada.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed