Shacabka Soomaaliya oo loogu baaqay in difaaca qaranimada dalka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta kulankooda todobaadlaha ahaa yeeshay ayaa uga hadlay ilaalinta madaxbannaanida, wadajirka ummadda Soomaaliyeed, amniga iyo dagaalka ka dhanka Alshabaab ee dalka ka socda.

Shirkan oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa loogu baaqay dadka Soomaaliyeed qaranka iyo madaxbanaanida dalka.

“In ay si wadajir ah u difaacdaan madaxbannaanida, gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, In laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah, In laga wada shaqeeyo hirgelinta xasillooni siyaasadeed, meelna looga soo wada jeesto dagaalka Alshabaab” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka qalabka sida iyo shacabka Soomaaliyeed, kaalintooda ku aaddan difaaca dalka iyo la dagaallanka Alshabaab, kaasi oo ka scoda qaybo ka mid ah gobolada dalka.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa sida oo kale lagu meelmariyey Heshiis is afgarad oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed