Golaha Wakiillada Somaliland oo laalay xasaanad ka xayuubintii xildhibaan Maxamed Abiib ee xeer ilaalinta ka soo Gudbisay.

Golaha wakiilada Somaliland oo maanta laga hor akhriyey Dacwaddii ay dhawaan xeer ilaalinta Somaliland ka soo gudbisay Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa isku raacay in aan xilka laga qaadin amaba Maamuus ka xayuubin lagu sameyn.

57 Xildhibaan oo fadhiga golaha Wakiillada soo xaadiray ayaa waxa ogolaadey soo jeedinta xeer ilaaliyaha Guud ee Maamuus ka xayuubinta 3 Xildhibaan, waxaana Diiday 51 xildhibaan halka ay ka aamuseen 2 Xildhibaan, sidaasina waxa lagaga soo horjeestay dacwadii xildhibaan Maxamed Abiib laga soo Gudbiyey.

Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay lagu xiray garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa, lamana oga sababta xildhibaanka loo xiray, balse waxaa la sheegay in garoonka diyaaradaha Cigaal ay ka qabteen Ciidamada Somaliland.

Dhinacyada siyaasadda Soomaaliland ayaa sheegay in ay ka walaacsanyihiin xaalada uu ku sugan yahay xildhibaanka, iyada oo dalbaday in jawaab degdeg ah ka helaan madaxda talada haaya.

Xildhibaan Maxamed wajahayey mudooyinkii ugu dambeeyey sida hadalka uu dhigay culeysyo kaga imaanayey xafiiska Somaliland looga taliyo, kaasi oo uu ku eedeeyey in uu shirqoolayo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed