Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo dalbaday in Ciidamada Milataeri ah la geeyo gobolka Bakool

Maamulka Koonfur ayaa lagu dhaliilay arimo taabanaya qadiya dalka, ka dib markii xaflad ay soo agaasimeen sida la sheegay qaar ka mid ah masuuliyiinta Gobolka Bakool oo lagu qabtay magaalada Xudur, iyada Tiro Xildhibaanno ah oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya isla markaana deegaan doorashadoodu tahay Koofur Galbeed ayaa ka hor yimideen.

Masuuliyiintan ayaa shegay in banaan bixii shalay lagu qabtay Magaalada Xudur ay aheyd mid lagu qasbay dadka shacabka ee taageeradaasi Itoobiya loo muujiyey.

War saxaafadeed ay soosaareen Xildhibaannadaan waxa ay uga digeen in Dadka Shacabka ah iyo Dowladda Federaalka ah aan la iska hor keenin, iyada oo madaxada maamulka Koofur Galbeed u soo jeediyey in ay ka waantoobaan sida hadalka u dhigeen hadallada dhaawaca ku ah Soomaaliya iyo madaxbananideeda.

Xildhibaanadan ayaa Nasiib darro ku tilmaamay in Dad la isugu keenno meel kadibna loo dhiibo warqado ay ku qoran yihiin “Ma dooneyso Masar, soo dhawow Itoobiya” waxa ay Xildhibaannadu sheegeen in laga fiirsado tallaabooyinka la qaadayo.

Ciidamada dalka la keenayo, kuwa laga saarayo iyo qorshaha guud ee heshiisyada ayay sheegeen Xildhibaannadu in ay mas’uul ka tahay DFS sidaas awgeedna loo baahan yahay in lagu ixtiraamo sida ay hadalka u dhigeen.

Degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa shalay oo jimca aheyd waxaa ka dhacay kulan kooban oo dadkii ka qaybgalay ay wateen boorar lagu qoray, ‘Itoobiya soo dhawow, Masar dooni mayno’ waxaana ka dhashay Falcelin xooggan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed