Madaxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo dil ku riday askari qof shacab ah ku dilay Muqdisho

Maxakamadda Ciiamada Qalabka Sida ee Soomaaliya maanta xukun ka soo saartay Askari ka tirsanaa ciidamada ilaalada deegaanka ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaasi oo loo heystay in uu si bareer ah ugu dilay qof shacab ah degmadda Daaru-salaam oo duleedka magaalda Muqdisho.

Mahad Cali Maxamuud Madoobe oo ka tirsan ciidanka deegaanka ee degmadda Deyniile ayaa loo soo xiray in uu si bareer ah uu degmadda Daaru-salaam ugu dilay Marxuum Axmed Nuur Tooxoow, Taariikhdu markii ay aheyd 29 bishii Afaraad ee sanadkaan 2024.

Waxaaa ay Maxkamaddda sheegtay in uu Marxuumka uu heystay Bastoolad sharciyeysan oo isagga oo marayey laamiga Daaru-salaam geerigiisa jidka u istaagay eedeysane Mahad Cali Maxamuud Madoobe, kaasi oo gaariga joojiyey kuna amray in uu Bastoolada soo wareejiyo, balse Marxuumku ka diiday maadama uu bastooladda u heystay sharciga hubka ee ay bixiso Wasaaradda Amniga, intaas kadibna eedeysanaha uu xabado ku furay, halkaasina ku geeriyooday Marxuum Tooxoow, isla maalintii uu dilka geystay uu gacanta laamaha amniga soo qabteen.

Maxakamdda Ciidamada ayaa tilmaamntay in baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada, uu codsaday qaadista kiiskaan, kaaasi oo loo oggolaaday 13-kii bishaan Agoosto 2024.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka ayaa sida dhanka kale sheegay in uu waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda, iyada oo ugu dambeyn maanta ku xukuntay Mahad Cali Maxamuud Madoobe dil toogasho oo ah qisaasta Marxuum Axmed Nuur Tooxoow, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

HBN ONLINE Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed