Hanti lagu qiyaasay ku dhawaad 1 milyan oo doolar oo ku gubatay dabkii ka kacay suuqa Ceelasha Biyaha

Ganacsatada deegaanka Ceelasha Biyaha Gobolka Shabeellaha Hoose oo si hordhac ah faah faahin uga bixiyay khasaaraha ka dhashay dab qabsaday Suuqa weyn ee deegaankaas.

Qaar kamid ah Ganacsatada oo Warbaahinta kula hadashay Goobahooda oo gudbtay ayaa sheegay in hanti badan oo halkaas ka taallay & Dukumiintiyo ay u hayeen dad kale ay ku basbeeshay dabkaas sida ay hadalka u dhigeen.

Ku dhawaad 300 oo Boos dhul baaxad ahaan gaaraya ayuu saamayn taban ku reebay dabkaas, sida aan ka soo xiganay ganacsatada oo qaarkood sheegay in ay suuragali waysay in isla xalay ay halkaas gaaraan, si hantooda u bad baadsadaan,

Ganacsatada ayaa sheegay in qiyaastii dhaqaale dhan hal Milyan oo Doollar ay aheyd hantida halkaasi gubatay, iyada oo suuqyada gubtay ay ahaayeen labada suuq ee ugu weynaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dabku dadka uu sida aad u taabtay waxaa ka mid ahaa dadka dhulalka iibiya, kuwaa oo sheegay in wax walba oo keyd ahaa ka gubteen kuwaa oo ay ku jiraan dokumiintiyo dhulal.

“Marwo 1 & Marwo 2 waxba kama harin, Sanqafyadooda ayaa gubanaya, dab si deg deg ah isku raacay ayuu ahaa. Ninkaan i dhinac taagan iyo aniga oo kaliya waxaa naga baaba’ay 300 oo boos, 700 oo qof waxaa u taallay Dukumiintiyo, waxa aad arkaysaan ee go’go’a ah ayaan ka aragnay, waa qadar alle, waan ku qanacsanahay, awalba alle ayaa na siiyay, waxa aan ahayn dad Dhulka kala iibiya” ayay yiraahdeen qaar kamid ah Ganacsatada Ceelasha Biyaha.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeyeey in u suuqu gubto in ay ka dambeeyeeen sida hadalka ay u dhigeen Kooxda Alshabaab, iyaga oo sheegay in uu ka dhashay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay ku baakimeen goobta. Ma jirto cid wax ku noqotay dabkaasi, balse waxa uu baabi’iyay hanti badan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed