Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in muqdisho lagu qabtay dad qaba HIV

Maamulka gobolka Banaadir oo baaritaan iyo hubin caafimaad ka sameeyeen Magalaada Muqdisho tan iyo horaantii sanadkaan ayaa sheegay in ay gacanta ay ku soo dhigeen dad laga helay Cudurka HIV oo isugu jiray Soomaali iyo Ajaaniib ku dhuumaanayay Muqdisho.

Hay’addaha u xilsaarnaa faya dhowrka iyo hubinta maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dadka la soo qabtay oo ku dhawaad gaaraya 340 ruux laga helay xanuunada faafa ee HIV, Hepatitis B & C ama cagaarshowga la iska qaado.

Howgalka baarista Caafimaad la xariiray oo soo bilowday Bishii koowaad ee sanadkan 2024 ayaa waxaa natiijada ka soo baxday ay noqotay in lagu soo qabto 335 qof oo Ajnabi iyo Soomaali ah.

Dadka laga helay cudurka HIV-ga oo kaliya ayaa tiradoodu noqotay 35 qof, halka 300 laga helay xanuunka Hepatitis B & C.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dalka laga masaafuriyey 4 qof oo ajaaniib qabay HIV oo ku shaqeynayey xirfadaha dhaqtarnimada, cunta kariye iyo goobaha la isku qurxiyo.

Dadka la soo qabtay ayaa maamulka gobolka Banadir ku eedeeyey in si ogaal ah ay uga dhax shaqeynayeen goobaha ay isugu yimaadaan iyo qaar kale oo baaris kadib lagu ogaaday sida u warbaahinta u sheegtay Saalax Xasan Cumar Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadi.

Sida oo kale waxaa la qabtay qof mulkiile maqayaad ahaa oo goobtiisa ganacsi ku qariyey sida hadalka uu udhigay maamulka Gobolka Banaadir ruux qabay HIV ajanabi ahaa,waxaana ay tilamaameen in maxkamad ay la tiigsadeen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed