Waxaa la xaqiijiyey in Qof shacab ah ku dhintay, shan askarina ay ku dhaawacmeen, dagaal ka dhex dhacay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana uu dagaalku u dhaxeeyey Ciidamada macawiisleyda Deegaanka iyo Askar ka tirsan kuwa Ilaalo Qaran ee Xoogga Dalka Soomaaliya.
Lama oga sababta keentay dagaalka saacadaha qaatay ee Ciidamada Dowladda iyo kuwa Macawisleyda, balse dadka deegaanka ayaa aan ka soo xiganay dhinacyadu isku heystaan maamulka magaalada weli se lama hubo.
Maamulka Degmada Xarardheere ayaa xaqiijiyay in hada xaaladu dagantahay, ciidamadii dagaalameyna lagu celiyay fariisimohoodii ay ka soo bexeen, wixii dagaalka sababayna ay soo sheegi doonaan.
HBN ONLINE TV

