9-ka bishan August ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kadib codsi ka yimid Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Shirkan oo markii hore lagu waday inuu Muqdisho ka furmo bishii hore, ayaa dib u dhacay, kaddib markii Madaxweynaha Jubbaland uu ka cudur daartay howlgallada ka dhanka ah Alshabaab oo weli socda awgood.
Shirka soo socda ee Golaha wadatashiga Qaran ayaa la filayaa inuu udub dhexaad u noqdo dowlad goboleedyada Soomaaliya, kuwaas oo waqtigoodu uu ku dhow yahay inuu dhamaado.
Maamul Goboleedyada ayaa doonaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ogolaado in la sii wado doorashooyinka dowlad gobolleedyada, taasi oo saameyn weyn ku yeelan doonta doorashada guud ee dalka oo ay ku jirto doorashada dalka ka dhaceysa sanadka 2026-ka.
Bishaan Agoosto ayaa la filayaa in ay noqoto bil muhiim u ah hannaanka doorashada heer federaal iyo heer maamul goboleed. Hindisaha “hal qof iyo hal cod” ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wajahaya caqabado la taaban karo oo ay ka mid yihiin iska caabin kaga imaanaya qaar ka mid ah maamul gobolleedyada ka soo horjeeda qorshaha.
Shirka Kismaayo ayaa waxaa looga hadlayaa dhowr qodob oo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, dhismaha guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka iyo qaabka doorashada 2026-ka.
Madaxda maamul gobolleedyada ayaa sidoo kale loo badinayaa in ay dhabarka ka riixayaan in la daddajiyo doorashooyinka dowlad gobolleedyada si loo cusbooneysiiyo waajibaadkooda shaqo.
HBN ONLINE TV

