Hay’adaha ammaanka oo Muqdisho ku shiray xilli indhaha lagu hayo tilaabooyinka la qaadayo

Kulankaan oo Ammaanka Caasimadda looga hadlayey ayaa waxaa iskugu yimid Hay’adaha Amniga Heer Federaal iyo Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo ka qabsoomay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho.

Kulankaan ayaa waxaa shir gudoominayay Wasiirka Amniga Sareeye Guuto Cabdullahi Shiekh Cismaan Fartaag, waxaana Ku wehlinayay Taliyaha Ciiidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin, Agaasimaha Hey’adda Nabad Suggida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullahi Maxamed Sanbalooshe iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ahna Duqa Magaaladda Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale.

Inta badan kulanka intuu socday ayaa la sheegay in lagu dheeraaday xaalada Amniga ee Caasimadda iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Kulaknakn qabsoomidiisa ayaa ku soo aadayaa iyadoo dadka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay isha ku hayaan waxa laga yeelayo iyo sida loola xisaatami karo hay’adaha ammaanka maadaama ay qabaan inuu dhacay “dayac amni” isla markaana aysan noqon oo kaliya in shirar la isagu yimaado balse isla xisaabtan iyo wax ka beddel hannaanka ammaanka la helo.

Weerarkii jimcihii ka dhacay xeebta Liido ayaa galaaftay nolosha 37 ruux, halka dhaawac ay ku noqdeen 64 kale.

HBN ONLINE TV

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed