Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukun kasoo saartay dacwad loo heystay dhallinyaro caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan TikTok, kuwaas oo ku eedeysanaa kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta anshax xumada, sida ay sheegtay ka Maxkamadda.
Dacwadda oo dhameysatay heerarka kala duwan ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa xukun ka soo saartay maxkamadda gobolka Banaadir, eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal gabdhood ayaa toddoba ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo qabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda.
Wadarta guud oo aheyd 19 ayaa waxaa 10 ka mid ahaa la sii daayey fadhiyadii hore ee Maxakamadda, ka dib markii lagu waayey wax dambi ah, halka maanta 9 u fahdiisatay, waxaana 7 ka mid ahaa la xukumay oo min 6 lix bilaad.
Maxkamadda ayaa wax dambi ah ku waysay laba dhalinyaro oo dib xorriyadoodii loo siiyey.
HBN ONLINE TV

