Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxay qarax haleelay qaari dad shacab ah saarnaayeen oo safar ahaa oo marayey inta u dhaxeysa Deegaanka Golaleey iyo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ka soo baxaya dhacdadaan ayaa sheegaya in 5 ruux ay ku dhimatay, 3 kalane ay ku dhaawacmeen, ka dib miino lagu aasay wadada ay dadkan ku socdaalayeen.

Qaraxaan ayaa haleelay Gaari nooca loo yaqaan Toyota Probox oo kamid ah Gawaarida inta badan laga isticmaalo ama loo adeegsado safarrada deegaanno iyo degmooyin katirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Dadka dhaawacmay ayaa la keenay Isbitaalada magaalada si xaaladooda loogu dabiibo, iyada dadka ay u badanaayeen Caruur iyo haween sida HBN ONLINE TV xog ku heshay.

Dhowr jeer sidaan oo kale ayaa qaraxyo waxa ay haleeleen gawaari isugu jira kuwa Ciidanka & Rayidka iyo weliba dad wadooyinka ku socdaalayey, waxaana khasaaraha ugu badan uu gaaraa dadka la socda Gawaaridaas, halka Ciidamada ammaanka ay sameeyeen howlgallo Miina baaris ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed