Qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada iyo Mas’uuliyiin horay xilal kala duwan Dalka uga soo qabtay dalka ayaa u tacsiyeeyay ehelka, Dadkii ku dhintay weerarkii qaraxa ku billowday ee xalay ka dhacay Xeebta Liido Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir.
Mas’uuliyiintaan ayaa tacsi, ka ddib waxa ay fariin u direen laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ugu baaqay in ay adkeeyaan nabadgalyada Caasimadda Dalka ee Muqdisho si looga hortago weerarro kale oo khasaara kasoo gaaro.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa yiri: “Waxaan u tacsi u direynaa ehelada iyo qoysaska dadka ku geeriyooday weerarka Argagixisadu ku qaaday dadweyne ku caweyneyay xeebta Liido”.
Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa dhankiisa yiri “Qalbiyadeenna aad ayuu u gilgilay weerarkii bahalnimo ay argagixisada ka geesatay Liido. Rabbi ha Janneeyo intii ku dhimatay, inta dhaawaca ah Allaha bogsiiyo”.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dhankiisa ka hadlay weerarka xalay ayaa yiri “ Bartimlaameedka arxan darada ah waxaa uu muujinayaa ciilka iyo cadowtooyada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed”
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tacsi kaddib Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan la dagaalanka Dadkii ka dambeeyay weerarkaas.
Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa soo jeediyay in Shacab & Ciidan in meel wadajir ah looga soo jeysto dagaalka looga hortagayo weerarrada qaraxyada u badan sida uu hadalka u dhigay.
Waxaa kale oo jira xubno kala duwan oo ka tacsiyeeyay isla markaana cambaareeyay weerarka ka dhacay Xeebta Liido Degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, waxaana Dadka dhintay uu Afhayeenka Booliisku ku sheegay ugu yaraan 32 qof iyo dhaawaca oo gaaraya ilaa 63 kale waa dhanka Shacabka.
HBN ONLINE TV