Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa maalinta bari ah ku wajahan Dalka Itoobiya oo uu booqasho rasmi ah ku tagayo, waxaana uu kulamo la qaadan doono dhiggiisa wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atsake Selassie iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.
Dhinacyada ayaa la filaa in ay ka wada hadlaan xaaladda gobolka iyo xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, inkasta oo su’aalo badan ay socdaalka Wasiirka ku geedamanyihiin.
01 July,Turkiga ayaa fududeeyey kulan dhex maray Wasiirada Arimaha Dibada ee Ethiopia iyo Somalia si loo qaboojiyo xiisada u dhaxaysa labada dawladood ee Geeska Afrika.
In kasta oo kulanka ku soo dhammaaday natiijo la’aan, waxay u ballansan yihiin inay galaan wareegga labaad ee wadahadalka Ankara 02 Sebtembar, 2024.
Xiisada u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareertay ka dib markii 01 January ee sanadkan ay kala saxeexdeen heshiis is afgarad ah oo dhex maray Itoobiya iyo #Somaliland.
Turkiga ayaa bartamihii bishii July sheegay in ay taageerayaan ciidamadooda badda ee ku wajahan biyaha Soomaaliya,ka dib heshiis dhexmaray Ankara iyo Muqdisho, kaas oo dhigaya in Turkiga uu u soo diro xeebaha Soomaaliya markab shidaal baaris ah oo sahamin doona shidaalka iyo gaasta.
Ku dhawaaqista ayaa kicisay Somaliland, oo 24kii Luulyo sheegtay inay “si adag u diidayso in la geeyo ciidammo badda Turkiga ah” oo ku sugan “aagga badda ee la aqoonsan yahay” sida hadalka ay u dhigtay
Dowladda Soomaaliya ayaa laba maalin ka hor ku eedeysay Itoobiya in saaxiibadeeda caalamka ay ku direyso oo dalka ka dhigeyso mid diidan wada hadal labada dhinac ay yeeshaan.
HBN ONLINE TV

