Puntland oo soo qabatay nin dil ka geystay magaalada Boosaaso

Ciidanka Amniga Puntland ayaa sheeciyey in gacanta lagu dhigay Maxamed Abshir Muuse oo ku eedaysan inuu 29-July 2024 Boosaaso ku diley Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.

Qabashada eedaysanaha ayaa ku timid sida la sheegay iskaashi dhexmaray laamaha ammaanka iyo odayaasha qabaa’ilka eedaysanuhu ka soo jeedo sida ku cad warbixinta booliska gobolka Bari.

Eedaysanaha ayaa gacanta lagusoodhigay 6:00 Subaxnimo waxaana ciidanka amaanka oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ku qabteen deegaanka Durduri.

Warka ka soo baxay Taliska  Booliska  Puntland ayaa lagu sheegay in edaysanaha la lahorgayn doonaa Maxkamadda awooda uleh qaadista kiiskiisa.

Boolisk ayaa faray shacabka deeganada maamulkaasi in haddi ay helaan xog ku saabsan falal Amni daro in xiriir ay la soo sameeyaan laamaha Amniga si ugu dhaqsiyaha badan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed