Xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka oo gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in halkaasi ay u tageen in dhiiri galin ay u sameeyaan ciidamada qaranka oo dhawaan la filayo howlgalo in halkaasi ka bilaabaan.
Xildhibaan Yaasiin Fareey iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka lugta Gen. Cabdullaahi Cirro, Xafiiska Xeer Ilaalinta & mas’uuliyiin kale ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud, iyada oo xubnahaan ujeedka socodkoodu uu yahay dardargelinta kulamada looga hadlayo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab si looga saaro deeganada ay kaga harsanyihiin.
Sida oo kale Xildhibaan Fareey ayaa sheegay in mas’uuliyad weyn ay ka saaran tahay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah Alshabaab iyo in kaalin ay ka qaataan intii awooddooda ah si loo dhiirrageliyo Ciidamada Iskaashanaya ee howlgalladaas wada halkaasi.
Xubnahaan aya tagay fariisimaha Ciidanka Dowladda Federaalka & kuwa Deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaan, waxaana ay sheegeen in ka garab siin doonaan dagaalka sida lagu sheegay kulanka ay la yeesheen masuuliyiinta magaalada iyo huggaamada ciidamada ee degmada Ceeldheer.
HBN ONLINE TV