Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan ayaa wadahadal khadka telefoonka wuxuu kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana laga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya & Turkiga, sida tamarta, iyo difaaca.
Qoraal ka soo baxay madaxtootada Turkiga ayaa lagu sheegay in Turkigu xaqiijiyay ahmiyada ay u leedahay midnimada dhuleed & madaxbannaanida Soomaaliya.
Erdogan ayaa u sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh in Turkigu ku taageerayo Soomaaliya la dagaalanka argagixisada.
Dhinaca kale warka ka soo baxay Turliga ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Erdogan uu kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya khilaafka Soomaaliya & Itoobiya, isagoo xaqiijiyay in Turkigu uu sii wadi doono dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafkaas.
Xidhiidhka Soomaaliya & Itoobiya ayaa sii xumaaday tan iyo markii Itoobiya ay la gashay Somaliland is afgarad ujeedkiisu uu yahay inay saldhig ciidan ka sameysato gobolka Awdal arinkaasi oo dawlada Soomaaliya si adag uga hortimid kuna tilmaamay xadgudub ka dhan ah qarannimada & madaxbannaanida Soomaaliya.
Turkiga & Soomaaliya ayaa sanadkan waxay kala saxiixdeen heshiis dhanka ammaanka & dhaqaalaha ah, waxaana dhawaan Baarlamanka Turkigu ay ansixiyeen qorshe ciidamo & maraakiib dagaal ugu soo diyarayaan xeebaha Soomaaliya.
HBN Online TV

