Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo uu weheliyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa booqday Ciidamada Qalabka Sida iyo Daraawiishta Jubbaland ee ku sugan deegaanka Buulo-Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo dhawaan iska caabiyey weerar Alshaba ay ku soo qaadeen.
Ra’iisul Wasaaraha oo bogaadiyey sida Ciidamada Xooga ay iskaga caabiyeen kooxda soo weerartay, isaga oo ku dhawaaqay in dowladdu ay siinayso abaalmarin lacageed ay guddoonsiinayo ciidamada Birjeex ee dagaalka Alshabab 22-kii bishaan galay.
“Waad cibaadeysateen maxaa yeelay waxaad layseen kuwii uu suubanuhu na faray in la laayo oo la burburiyo, in badan oo kamid ah dalka waa laga xaaqay oo ay kamid tahay Buulo-Xaaji”. ayuu yiri
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in guushan ay ka marqaati kacayso tayada iyo awoodda Ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaalka ay dowladdu ku bixinayso dib u dhiskooda, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay garab istaagga iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan ciidamada, dowladduna ay deegaannada laga saaray Alshabaab in ay geyn doonto adeegyada asaasiga ahaa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iyada oo ka duulaysa in gurmad iyo gargaar deg-deg ah la gaarsiiyo bulshada ku nool deegaannada laga xoreeyo Alshaab, in hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka gaarsiisay raashin 900 oo qoys oo ku nool deegaanka Buullo-Xaaji, taas oo qayb ka ah qorshaha safarka Ra’iisul Wasaaraha ee Jubbaland.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidamada ay gaarsiiyeen sahay dhan 5,340 oo isugu jira buskut, timir iyo kalluun.
HBN ONLINE TV

