Iska horimaadkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa dhexmaray laba beelood oo ka mid ah beelaha dega magaaladan oo muddooyinkii u dambeeyay ay ku soo noqnoqdeen colaad beeleedka hubaysan.
Dagaalka oo socday muddo saacad ah ayaan la ogayn khasaaraha ka dhashay mana jirto xog rasmi ah oo ka soo baxday maamulka & laamaha ammaanka oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dagaalkan oo hakad galiyay isu socodkii dadka & gaadiidka iyo waliba dhaqdhaqaaqa ganacsiga.
Iska horimaadka ayaa markii dambe joogsaday iyadoo aysan jirin cid gaar ah oo guul ka gaartay.
Degmada Ceel Afweyn iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa mudooyinkii u dambeeyay waxaa ka aloosnaa iska horimaadyo hubaysan oo u dhaxeeya beelaha deegaanka wada dega, waxaana ay ahayd sanadkii hore markii maamulka Somaliland uu kala diray maleeshiyaadka qabaa’ilka oo halkaasi ku dagaalamay dhawr jeer, balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in haatan ay u muuqata in ay dib isku soo abaabuleen beelaha.
Dagaalkan maanta ka dhacay degamada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa daba socda dagaallo horey magaalada iyo dhulka miyiga ah ku xeeran ka dhacay, waxaana wali muuqata saameynta dagaalladii hore.
HBN Online TV