Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Cabaas Shiikhdoon oo ahaa Madaxii Maaliyadda Alshabaab u qaabilsanaa Gobolka Mudug, isaga oo maanta isku soo dhiibay Ciidanka Booliska Soomaaliya ee ka hawlgala degmada Hobyo iyo deegaanada hoos taga gobolkaasi.
Taliyaha Booliska Hobyo L/Xidigle Maxamed Cadceed ayaa warbaahinta u sheegay in ninkani xubin ka ahaa Al-shabaab, balse hadda u go’aansaday in uu isku dhiibo ciidamada Amniga.
Sidoo kale, Cabaas ayaa saraakiisha ciidanka u sheegay in Al-shabaab uu kaga biiray degmada Xarardheere, isaga oo dadka shacabka ah ka uruuri jiray lacago iyo xoolo, sida lagu yiri warka Ciidamada Booliska ka soo baxay.
Cabaas ayaa Ciidanka mar ku dhaawaceen duleedka deegaanka Xinlebi ee gobolka Mudug, isaga oo sheegay inuu u adkeysa waayey xaaladda ay ku jiraan Al-shabaab, sidoo kale xiriir la soo sameeyo saraakiisha ciidamada, iyada oo looga hortegay aagga deegaanka Caad sida hadalka loo dhigay.
HBN ONLINE TV

