Puntland oo gacanta ku dhigtay Haweeney dishay wiil ay sodoh u ahayd

Ciidanka Booliska gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegey inay gacanta ku soo dhigeen ‘Haweeney’ ku eedeysan in Midi ay ku dishay wiil ay soddoh ay u ahayd, kaasi oo ka dhacay gudaha magaala Boosaaso.

Haweeneyda dilka geysatay oo ka mid ah kuwa iibiya hilibka xoolaha ayaa Booliska Puntland ku sheegeen marxuumka iyo iyada in uu soo kala dhex galay muran, taasina ay sababtay in Midi kaga dhifato wadnaha, kadibna dhaawicii soo gaarayna uu u dhintay.

Allaha u naxariistee marxuumka waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdi Bile oo qabay gabadha haweeneyda dishay.

Dhacdadan ayaa aad bulshada dhexdeeda ula fajeceen, iyadoona falkan uu noqday mid laga hadal hayo gudaha magaalada boosaaso iyo baraha bulshada kuwada xariiraan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed