Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in uusan ka qeybgalayn Shirweynaha Culimada ee ka furmay magaalada Muqdisho.
War saxafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Koonfur Galbeed ayaa go’aankan loogu sababeeyay in aan lagala tashan kaalintooda shirkan iyo in looga baxay heshiis horey loo wada galay.
Koonfur Galbeed ayaa sheegtay in 25-Feberaayo-2024 iyada oo la tixraacayo war murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS iyo Wasaaradaha Awqaafta xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya, qodabkiisa 5-aad, in uu dhigayey “Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS iyo Wasaaradaha Awqaafta xubnaha ka ah igo’aamiyaan in ay kawada shaqeeyaan qabsoomida shirweynaha 2aad ee sanadlaha ee culimada Soomaaliyeed.” Sida ay hadalka u dhigeen.
Sida oo kale waxaa lagu war saxaafadeedka yiri “ Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay halkaan ka caddeyneysaa gabi ahaanba in la buriyey qodobkaas wax tashi iyo ka qaybgalina aan laga siin doorkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya”
Shirka ay Koonfur Galbeed ka in ay baaqsatay ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, iyada oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS, waana wajigiisii labaad.
HBN ONLINE TV

