Ciidamada Booliska dalka Kenya ee Waqooyi bari Gaarisa ayaa sheegay in ay dileen labo tuhmane oo ka tirsan Al-Shabaab, ka dib howlgal sirdoonka dalkaasi uu ku qaaday goob lagu tuhmayey xubnahaan ku lahaayeen deegaanka Alango ee ismaamulka Gaarisa.
Dhacdadan oo dhacday Sabtidii 27-kii July ayaa ah tii ugu dambeysay ee ka dhacda deegaanka booliska sheegeen in, labada qof oo looga shakisanaa ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab, ay sugayeen waqti ku haboon in ay howgalkan ku fuliyaan.
Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in ay ka hortageen qorshahooda kooxda oo doonayey in weeraro fuliyaan. Agabka laga soo saaray goobta ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda ayaa waxaa ka mid ah labo qori oo AK47 ah, todobo qasnadood oo rasaas iyo agabyo kale oo kala duwan oo raashin ah.
Booliska ayaa sheegay in kooxaha amnigu ay ku raad joogaan dableyda baxsadka ah. Dhanka kale, dadweynaha waxaa lagu dhiirigelinayaa inay la wadaagaan macluumaadka la xiriira dad la tuhunsan yahay in ay qayb ka yihiin kooxaha hubaysan.
Bishii Maarso 24, 2024, weerar gaadmo ah oo ka dhacay isla halkaasi ayaa lagu sheegay in laga soo furtay hub badan.
Al shabaab ayaa weeraro ku qaada goobaha ku dhow xuduudka Kenya, iyada oo dowladdu sheegtay in ay hakisay qorshaha lagu furayo xadka Kenya iyo Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

