Kulanka Golaha Wakiilada Somaliland oo xasaanada looga xayuubi rabay Xil. M. Abiib oo buuq awgii u xirmay

Kal fadhi aan caadi ahayn ayaa maanta ufurmay xildhibaanada Golaha wakiilada somaliland oo la rabay in go’aan ay kaga gaadhayeen Kiis Dacwadeedka laga soo gudbiyey xildhibaan Maxamed Abiib Yusuf oo Gobolka Awdal kasoo jeeda ayaa lagu kala dareeray, ka dib markii uu buuq kala joogsa waayay kulanka.

Fadhigan maanta ayaa waxa soo xaadiray 49 Mudane, iyada oo la doonayey in ay yimaadaan 55 Xildhibaan oo ah tirada loo baahan yahay si ay ugu codeeyaan in Xasaanada laga qaado xildhibaan Maxamed Abiib.

Lama sheegin sababta xildhibaanada qaar kulanka ay uga baaqdeen, waxaana guddoomiyaha golaha Wakiillada Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon uu buuq iyo sawaxan aan kala joogsi laheyn kala kulmay mudanayaasha, isaga oo ku dhawaaqay in kulanku sidaa ku xirmay.

Waxaa dib loogu balamay kal fadhiyada soo socda in arintaasi lagu soo gabagabeeyo, inkasta oo xubnaha qaar golaha ay sheegeen in aysan heysan guddigu cadeyn ku filan, uusanna mudane xilkiisa ku waayi karin dhaliil dowladeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed