Baarlamanka Turkiga oo ansixiyay in ciidankooda loo soo diro xeebaha Soomaaliya

Baarlamanka dalka Turkiga ayaa galabta u codeeyay mooshin ku aadan wareegto uu horey u soo saaray Madaxweyne Rajeb Dayib Erdogan taasi oo dalbanaysay in ciidamada badda ee Turkiga & maraakiibtooda dagaalka loo soo diro xeebaha Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa daba socota heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah oo ay wada saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya bishii Febraayo, kaasoo ujeeddadiisu tahay in lagu xoojiyo awoodda difaaca badda Soomaaliya iyo in la dhiso ciidan badeed oo Soomaaliya yeelata.

Heshiiskan qarsoodiga ah ayaa la sheegay in la gaaray iyadoo laga jawaabayo is afagaradkii Itoobiya ay la gashay Somaliland bishii Janaayo, kaasoo Addis Ababa u ogolaanaya inay ka dhisto saldhig milatari xeebaha gobolka Awdal ee waqooyi galbeed Soomaaliya.

Qorshahan ciidamada Turkiga lagu geynayo xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa la kaashan doona dawlada Soomaaliya, waxayna ciidamadan ka hawlgali doonaan oo ay ilaalin aagagga badda ee Soomaaliya guud ahaan, sida lagu xusay mnooshinka uu ansixiyay Baarlamanka Turkiga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed