Ciidamada Itoobiya oo maalintii labaad ka gudbay xadka Gobolka Hiiraan

Maalintii labaad oo xiriir ah, boqolaal ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo gudbeen xadka Itoobiya ay la wadaagto gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.

Soo galistii ugu dambeeyay ayaa la soo wariyey subaxnimadii hore ee saaka, waxaana ciidamadan oo ku qalabeysan gaadiid dagaal oo aad u badan soo gaareen Hiiraan, iyagoo ku sii siqaya degmada Feerfeer, waxayna u kala firxadeen deegaanada Jawiil, Beergadiid, Oomad, iyo Qabno oo u dhaxeeya Matabaan iyo Baladweyne.

Ma cadda ujeedada dhabta ah ee ciidamadan loo dirayo. Waa markii labaad oo muddo bil gudaheed ah ay ciidamada Itoobiya gudaha u soo galaan gobolka Hiiraan.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqa ciidanku uu la xiriiro galbinta ciidamada Itoobiya ee ka howlgala gobolka ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Dadka ku dhaqan deegaanada ayaa walaac xoogan ka muujiyay dhaq dhaqaaqyada ciidan iyo gaadiidka faraha badan ee la socda. Qulqulka ciidamada ayaa su’aalo ku abuurtay bulshada deegaanka, kuwaas oo aad uga feejigan saamaynta uu ku yeelan karo hawl-galkan ciidan ee nolol maalmeedkooda.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Hiiraan oo ku aadan joogitaanka ciidamadan Itoobiya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed