Waxaa maanta ka socda Puntland Doorashooyinka Golaha deegaanka seddex degmo oo kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiiraan oo dhamaantood ka tirsan gobolka Nugaal, waxaana loo diwaan galiyey 431 musharrax oo ku tartami doona 81 kursi.
Sawirada laga so qaaday goobaha doorashada ayaa muujinaya dadka oo safaf dhaadheer ku jira, si codkooda ay u dhiibtaan, waxaana ka mid ah dad da’ ah. Bulshada ku dhaqan deeganaadaas ayaa codkooda ku dooran doono golaha deeganka ku matali doona saddexdan degmo.
Doorashada golaha deegaanka ayaa hadda si toos ah uga uga socota seddexda degmo ee Garowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan, waxana goobaha kormeeraya guddigga doorashooyinka Puntland si dhaq dhaqaaqa goobaha ay ula socdaan.
Ilaa hadda wax dhib ah sooma aysan tabin Guddiga doorashooyinka iyo wax dib u dhac uu ku yimid, iyaga sheegay in wax walba sidii loo qorsheeyey ay u socdaan.
Laamaha ammaanka oo kaashanaya howl wadeenada doorasha ayaa si aad ah u adkeeyay amaanka dhamaanba goobaha kala duwan ee gudiga doorashadu u qorsheeyeen in ay codbixinta ka dhacdo, si loo ilaaliyo xasiloonida doorashada iyo nidaamka codbixinta ee sanaadiiqda doorashada. Waxaa la joojiyey isku socodka socda gaadiidka.
Goobaha codbixinta ayaa sida qorshuhu yahay waxaa la filaa in ay soo xirmaan lixda maqribnimo sida uu guddigu sheegay waxaana la guda gali doonaa tirinta codadka, si howsha loo fududeeyo. Doorashadaan ayaa ah middii ugu dambeysay ee doorashooyinka gola deegaanada Puntland.
HBN ONLINE TV