Golaha wakiilada Somaland oo u balansan xanaasad ka xayuubinta xildh. Maxamed Abiib

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxmed Faratoon ayaa Fadhi aan caadi aheyn ugu yeeray Golaha Wakiilada Somaliland, si looga doodo Maamus ka xayuubinta Maxamed Abiib, oo katirsan Golaha Wakiilada Somaliland.

Xildhibaanka ayaa hadda lu sugan Magaalada Boorama , iyada oo ay Madaxtooyadu doonayso in la xiro si loogu maxkamadeeyo dambiyo loo haysto, sida ay sheegtay.

25-ka bishan ayaa la doonayaa Fadhigan deg deg ah in uu qabsoomo, waxaana la wada sugayaa waxa ka soo baxa iyo go’aanka golaha wakiilada.

Xildhibaan Maxmaed Abiib ayaa horay ugu eeedeyey Madaxtooyada Somaliland qorshe isaga ka dhan ah in ay maleegeyso waa sida uu hadalka u dhigaye in ay talo jirto. waxaa kale oo uu  sheegay in uu ka bad baaday qorshe dil.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed