Dowladda Soomaaliya oo weeraradii saaka guulo waa-weyn ka sheegatay

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weeraradii saaka ee kooxda Alshabaab ku qaaday fariimaha Ciidamada Xoogga ee gobolka Jubbada hoose ayaa sheegtay in khasaare dhimsho iyo dhaawac ah kala kulmeen Alshabaab weerarkii saaka, iyada oo intaa ku daray in lagu dilay xubnihii ugu badnaa.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ka badan 80 Alshabaab ah oo isugu jira horjoogeyaal iyo maleeshiyaad kale lagu dilay hawlgal ka hortag ah oo ay Ciidanka Xoogga Dalka yo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka sameeyeen deegaannada Buulo Xaaji, Baar Sanguuni iyo Harboole ee gobalka Jubbada Hoose.

Hawlgalkan ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyaadka Kooxda Alshabaab ay weerar ku soo qaadeen fariisimo Ciidamada Xoogga Dalka yo Daraawiishta Jubbaland ay ku lahaayeen deegaannadaan, laakiin cidanka oo tilmaamay in ay u diyaarsanaayeen weerarada oo guul ay ku gaareen.

Cidammadda ayaa soo bandhigay hub hawlgalkan ay ku furteen oo aad u farabadan, ayna wateen xubnihii weerarka soo qaaday waxaana ay isugu jireen RPG, BKM, AK47 iyo kuwa kale. Cidanka Xoogga Dalka iyo Cidammada Jubbaland ayaa dhanka kale la tilmaamay in wali lagu raad joogo xubno Alshabab kale oo goobta ka baxsaday.

Ugu dambeyne, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashanaysa shacaba iyo saaxiibada caalamka ay ka go’an tahay sii wadida howgalada ka dhan ah Alshabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed