Puntland oo isu diyaarinaysa doorashada deegaanka iyada oo la xirayo dhaqdhaqaaqa gaadiidka

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiiraan ay ka dhacaan doorashooyinka golaha deegaanka ee maamulka Puntland oo dhamaantood ka tirsan gobolka Nugaal. 431 musharrax ayaa ku tartami doona 81 kursi oo ka tirsan degmooyinka saddexdan degmo.

Shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah ugu qabteen Ku simaha gudiga doorashooyinka maamulka Puntland Amxed Maxamuud Cumar iyo Afhayeenka ciidanka booliska  Puntland G/sare Xassan Cabdullahi Maxamed ayaa soo bandhigay habraacyada doorashooyinka la filayo in ay bari ka qabsoomaan degmooyinka Garowe, Godobjiiraan & Dangoroyo.

Shir jaraa’id ayaa lagu sheegay in amniga aad loo adkey doono, iyada oo beri wax gaadiid ah soco kara uusan jiri Karin laga  bilaabo lixdasubaxnimo ilaa lixda maqribnimo, marka laga reebo kan ciidamada iyo Guddiga, si saxmadda ay u yaraato. Dadka codeeya ah ayaa la faray in kaararka codbixinta ay horay u soo qaataan si howshu ay u fududaato.

Ku simaha gudiga doorashooyinka maamulka Puntland Amxed Maxamuud Cumar oo la hadlay warbaahinta, ayaa ku nuux nuux saday in ciidamada ammaanka la geeyay si ay u sugaan xasiloonida iyo ammaanka goobaha cod bixinta.

“Waxaan qaadnay tallaabooyin ballaaran si aan u hubinno in doorashadu ay u dhacdo si habsami leh oo ammaan ah, Shaqaalaha amniga ayaa meesha jooga si ay u ilaaliyaan codbixiyayaasha iyo shaqaalaha doorashada inta ay socoto hawsha.” ayuu yiri Cumar.

Seddexdan degmado oo kuwii ugu dambeeyey ee doorashooyinka Puntaland ayaa horay waxaa doorashada loogu soo qabtay 33 degmo oo kale.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed