Soomaaliya oo raashin dhacay dalka ka celisay

Soomaaliya ayaa dib ugu celisay dalka Turkiga shixnad bur ah oo dhacay oo ay ku qabatay dekedda Muqdisho bishii Maarso 2024, kaddib markii ay ogaadeen in burka ay tayadiisu liidato oo aan ku habboonayn in la cuno sida ay sheegtay Dowladda Federaalka ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa amar ku bixiyay in dib loo celiyo 7 milyan oo tan oo bur oo dhacay, taasi oo ay dalka keeneen ganacsato Soomaaliyeed, si loogu qeybiyo suuqyada dalka, waxaa lagu sheegay in talabaadan ay hoosta ka xariiqayso sida ay uga go’an tahay dawladda ilaalinta caafimaadka bulshada iyo heerarka tayada badeecadaha la soo dejiyo.

Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed oo daba-gal ku sameysay raashinkan oo uu noociisu ahaa Bur ayaa ogaatay in uu yahay mid dhacay, kaas oo gaarayay 7 kunteenar, iyadoo la wadaagtay hay’adaha baarista dalka

“Shixnad bur ah oo dhacay ayaa Xafiiska xeerarka Qaranka ay bishii March 2024 ku qabteen Dekedda Muqdisho, waxaa dib loogu celiyay Turkiga iyadoo la raacayo amarkii ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska.

Maamulka ayaa ku booriyay ganacsatada in ay xaqiijiyaan tayada badeecadaha dalka la keeno, ayna u hoggaansamaan xeerarka qaranka si looga fogaado midaan wax la midka ah mustaqbalka.

Xafiiska Heerarka Qaranku waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si adag loo hubiyo tayada cuntada ee la soo dejiyo si loo ilaaliyo caafimaadka dadka Soomaaliyeed.

Dadka bartay dhaqaalaha ayaa qaba in Dekadda Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde mararka qaar laga soo dejiyo raashin iyo daawooyin dhacay, kuwaa oo saameyn iyo dhibaatooyin caafimaad darro u keena bulshada Soomaaliyeed ee isticmaala.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed