Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa si aad ah isha loogu hayaa kadib markii muuqaal aad ugu baahay baraha bulshada muujinayey gabar Soomaaliyeed oo rakaab ah oo si qasab ah looga soo saarayo diyaarad si ay booskeeda loogu bedelo wasiir ka tirsan dowladda Itoobiya.
Dhacdadan oo ka dhacday Duulimaadka ET308 oo ka soo kictimay Addis Ababa kuna sii jeeday Nairobi, ayaa waxa ay dhalisay caro baahsan iyo eedaymo takoor ah oo ka dhan ah shirkadda.
Muuqaalkan oo si weyn ugu faafay baraha bulshada, ayaa muujinaya rakaabkii diyaaradda laga soo saaray, taasoo keentay in lagu eedeeyo in loola dhaqmo iyo takoorid. Dad badan oo dhaleecaynayay ayaa falkan ku tilmaamay mid sumcad dil ku ah shirkadda diyaaradaha ee Afrika.
Diyaaradda Ethiopian Airlines oo ka jawaabaysa falkaasi, ayaa soo saartay war saxaafadeed rasmi ah oo ay ku beeninayso eedahaas. Shirkaddu waxay ku micnaysay in arrintani ay ka dhalatay xaalad shaqo oo xad dhaaf ah oo aanay ku iman wax xil Wasiirnimo ah.
Sida laga soo xigtay bayaanka, saddex qof oo sita tigidhada qaybta economy-ga balse ku jiray liiska sugitaanka maadaama diyaaradu ay buuxday ayaa isku dayay inay fuulaan diyaaradda inkastoo loo sheegay in diyaaradda buuxdo.
“Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines waxa ay baraha bulshada ee kala duwan ka daawatay muqaalka muujinaya rakaab laga dajiyay duulimaadkii ET308 ee 19-kii July, ee ka baxay Addis Ababa kuna socday Nairobi, waxaanu galniy waqtigii loo baahnaa si aanu arrintan si fiican u baadhno, uguna soo bandhigno xogta dhabta ah dadweynaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Diyaaradda ayaa sheegtay in rakaabka ay ku lug lahaayeen in ay hareer mareen hawlwadeenadii ilaalada ka ahaa albaabka diyaaradda oo ay iska dhaga tireen taladii shaqaalaha diyaaradda ee ahaa in ay sugaa duulimaadka xiga maadaama diyaaradu buuxdo.
Warsafaxaadeedka ayaa lagu sheegay waa sida hadalka loo dhigaye in mid ka mid ah rakaabka uu u hoggaansamay codsigii ahaa uu dego, halka labada qof ee kale diyaaradda looga dajiyay sababo ammaan darro iyo u hoggaansanaan la’aan awaamiirta.
Muuqaalka baraha bulshada qabsaday oo uu soo dhigay saxafiga ka tirsan telefishinka CNN Larry Madowo, ayaa muujiyey gabar Soomaali ah oo si qasab ah diyaaradda looga dijinayey.
Fariin uu soo dhigay barta X ayuu wuxuu ku sheegay in Ethiopian Airlines ay qof rakaab ah oo diyaarada saarnaa ka dajisay sababtoo ah wasiir ayaa fadhiistay kursigii mana aanay bixin raali gelin, iyadoo ugu dambeyntii qofkii xoog iyo qaylo looga dajiyay diyaaradda, Wasiirku wax ficil ma sameyn taasina waa ceeb ayuu yiri saxafigu.
Dad badan ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay carada arrintan ay ka qabaan waxaana ay ku baaqeen in la iska daayo adeegsiga diyaarad Ethiopian Airlines oo la joojiyo in tigid laga goosto sida ay hadalka u dhigeen.
HBN ONLINE TV

