Howlgal lagu dilay xubno Alshabaab ah oo ka dhacay Bay

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa maamulla Koonfur Galbeed ayaa sheegay in howgal lagu dilay xubno badan Alshabaab ah, qaarne lagu dhawacay ay ka fuliyeen saacadihii la soo dhaafay qaybo ka mid ah Gobolka Bay, halka ay kula wareegeen fariisimo ay kula haayeen.

Howgalka ayaa la sheegay in lagu qabsaday gacan ku heynta deegaanka Jameeco oo qiyaastii 25km u jira degmada Buurhakaba ee gobolka Bay. Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Warbaahinta Soomaaliya la hadlay ayaa u xaqiijiyay in howlgalkaasi khasaaro dhimashada iyo dhaawaca lagu gaarsiyay Alshabaab.

Labada todobaad waxaa dowladda soomaaliya ay sheegtay in ay la wareegtay deegano badan oo ay ka talinayeen Kooxda Alshabaab in ka badan tobanaan sano, ayna halkaasi gay doonto adeegyada aas aasiga u ah bulshada

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed