Xisbiyada Siyaasada Puntlland oo walaac xooggan ka muujiyey hufnaan la’aanta Guddiga Doorashooyinka

War saxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen Lix kamid ah xisbiyada siyaasadda Puntland oo maanta shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa walaac ka muujiyay hufnaan la’aanta doorashada saddexda degmo ee gobolka Nugaal lagu wado in ay qabsoonto Todobaadkan.

Kulanka lixda xisbi oo kala ah; Mideeye, Mustaqbal, SINCAD, Ifiye, RUNCAD iyo Shaqaalaha ayaa ku muujiyeen walaaca ku aaddan hufnaan la’aanta doorashada, kadib markii sida ay sheegeen xisbiga talada haya ee Kaah uu xad-gudub ku sameeyay xeerarka iyo habraaca ololaha doorashada saddexda degmo sida ay hadalka u dhigeen.

Xisbi siyaasadeedka xukuumadda madaxweyne Deni ee Kaah ayay ku eedeeyeen in uu si cad ugu xad-gudbay maalmihii loo asteeyay ololaha xisbiyada kale, islamarkaana uu hantida dowladda, ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah u isticmaalay ololaha doorashada, iyadoo uu ku ololeeyay xil-bixin ay u siman yihiin dhammaan muwaadiniinta Puntland.

War-saxaafadeed ay wadajir ah u soo saareen xisbiyadani ayaa sida oo kale ku sheegay in aysan ku qancin go’aankii guddiga doorashada Puntland ee PEC ku ganaaxeen xisbiga Kaah, waxaana ay ku hanjabeen in ay go’aan kama danbays ah ka qaadanayaan doorashada, haddii aan la sixin qaladaadka xisbiga Kaah.

Guddiga PEC Puntland ayaa go’aamiyay in xisbi siyaasadeedka xukuumadda madaxweyne Deni ee KAAH uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan $5,000 oo dollar, taasi oo uu ku shubayo akoonka guddiga mudda 24 saac gudahood ah, maadaama uu jebiyay xeerarkii iyo habraacyadii ololaha doorashada saddexda degmo.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed