Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in markale howgal Alshabaab jab xooggan ay ku gaarsiiyeen ka sameeyeen aagga deegaanka Beera-yabaal ee hoostaga degmada Buulaburte ee Gobolka Hiiraan.
Warka dowladda ayaa lagu sheegay in howgalkan si gaar ah ay u fuliyeen guutada 26-aad ee Cali bin abii Daalib ee Ciidanka Xoogga, iyaga oo halkaasi xubno Alshabaab ka tirsanaa ku dilay.
Taliyaha guutada 26-aad ee Ciidamada Cali ibnu Abii daalib G/le dhexe Cabdiraxmaan Salaad Xujaale oo howlgalka hoggaaminayay ayaa carabka ku adkeeyey in howgalkan uu ahaa mid gaar ah oo ay fuliyeen ciidamada, si guul ahne uu kusoo dhamaaday.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarada lagu qaadayo fariisimaha Alshabaab ee Hiiraan la xoojiyey, kuwaa si joogta ah ay u fuliyaan Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka oo garab siinaya.
HBN ONLINE TV

