ATMIS oo bilaawday baaritaanka dad shacab ah oo lagu eedeeyay inay ku “gowracay” Buulo Mareer

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa sheegay inay bilaabeen baaritaanka eedeyn ku aadan in ciidankoodu ku “dileen kuna gowraceen” laba qof oo rayid ah mid kalena ku dhaawaceen Degmada Buulo Mareer, 17-kii bishaan.

Warsaxaafadeed ka soo baxay taliska ciidamada ATMIS ayaa lagu sheegay inay ka warheleen eedeymaha warbaahinta lagu baahiyay ee la xiriira wax ay ugu yeereen dhacdooyinkan nasiib darrada ah.

Maamulka & dadka deegaanka Buula Mareer ayaa sheegay in askarta ATMIS gaar ahaan kuwa u dhashay dalka Uganda ee ka howlgala gobolka Shabeelooyinka ayaa “toogteen” labo ruux oo shacab ah ka hor inta aysan si arxan darro ah u “gowracin”.

Qof saddexaad oo la socday labada qof ee la “dilay”, ayaa waxaa u suurta-gashay in uu baxsado isagoo “dhaawac” ah. Dhacdadaan ayaa caro xoogan ka dhalisay dadka ku dhaqan deegaanka Buulo Mareer, iyadoo dadka deegaanka ay ka dalbadeen ATMIS in lagula xisaabtamo, waxaana ay ku andacoonayaan in dhacdooyinka noocaan oo kale ah aysan aheyn mid gooni ah.

Iyaga oo ka jawaabaya eedeymahan, ATMIS waxay ballan qaaday in ay samayso baaritaan dhab ah. “Howlgalku wuxuu bilaabay baaritaan dhab ah oo ku saabsan eedeymahan wuxuuna halkan u xaqiijinayaa dhammaan daneeyayaasha in natiijooyinka la soo bandhigi doono si guud,” ATMIS ayaa sidaa ku sheegtay warsaxafadeedka ka soo baxay.
ATMIS waxay sheegeen inay tacsi u dirtayaan qoysaskii dadkii geeriyoodeay, waxayna muujiyeen inay garab taagan yihiin xilligan adag.

Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ayaa sidoo kale ku baaqay in la muujiyo daah-furnaan iyo isla xisaabtan ku saabsan dhacdadan. Amnesty International ayaa ku boorisay ATMIS inay sameeyaan baaritaan degdeg ah oo dhexdhexaad ah, taasoo muujineysa baahida loo qabo caddaalad iyo isla xisaabtanka dhibbanayaasha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed