AUN Caalim Sheekh Cismaan Xidig oo muqdisho lagu aasay

 

Alle ha u Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho lagu aasay Caalimkii weeynaa ee Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xiddig), waxaana uu Maalmihii la soo dhaafay ku xanuunaa Magaalada Muqdisho ugu dambeyne xalay Saqdii Dhexe geeriyooday.

Sheekh Cismaan Xiddig  ayaa lagu aasay Dhul uu markii hore ka dardaarmay oo kuyaalla degmada Kaaraan.

Sheekh Cusmaan Sheekh Daa’uud oo loo yaqaan Sheekh Xiddig, waxa uu ku dashay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud sanadkii 1942-dii, isaga oo yaraantiisii qur’aanka ku bartay deegandaas markii danbana wuxuu usoo wareegay magaalada Muqdisho.

Waxbarashadiisii diiniga ahayd intii Xamar ku sugnaaa culimadii uu ka soo loox jiitay waxaa ka mid ahaa Sheekh Xuseen Cadde oo xilligaas ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed. Sheekh Cusmaan, wuxuu soo noqday madaxii Fatwada iyo golihii sare ee culimada Ahlu-suna waljamaaca.

Sidoo kale Sheekh Xiddig wuxuu ahaa gabyaa iyo aftahan si mugleh u yaqaanay Afk Soomaaliga. Dariiqada Axmadiyada ayuu ka ahaa xubin weyn.

Sheekhu waxaa ka soo jeeday qoys ilaa awoowihiisa diin ku taxnaa caanna ka ahaa gobolada bartamaha Soomaaliya.

Madaxda Soomaalida ayaa ka tacsiyeyey geerida Sheekh Cusmaan Xiddig, waxaana uu ku timamay in uu ka mida ahaa culimaa lafdhabarta u ahaa faafinta iyo barida diinta ummada Soomaaliyeed. Madaxda hadda iyo kuwii horane waa kawada tacsiyeeyeen.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed