Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya qaybta deegaanada Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqday xukun dil ah oo ay ku riday Ex Dable XDS Maxamed Cusmaan Jukaato kaasi oo horay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ugu dilay allaha unaxaristee Maraxuum lagu magaacabo Ex dable Liibaan Aadan Ibraahim oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa Maxamed Cusmaan Jukaato sida oo kale kaga dalbatay bixinta magdhawga dhibane Nuur Cabdullaahi Maxamed oo falkaas dhaawac ka soo gaaray, sida warbaainta uu u sheegay Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee qeybta 21-aad gaashaanle dhexe Abdullaahi Abuukar Xasan.
magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa 25-kii bishii lixaad 2024 xili saq dhexe dil loogu geystay allaha unaxaristee Maraxuum lagu magaacabo Ex dable Liibaan Aadan Ibraahim, waxaana dad deegaanka ay dalbadeen in marxuumka uu helo cadalaad, iyada shaqsigii ku eedeysnaa dilkaasi ay maanta go’aan ka gaartay sida at sheegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.
HBN ONLINE TV