Dowladda FS oo cunaqabateyn dhaqaale ku soo rogtay madaxda Alshaab ah

War qoraal ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliyaa maanta ayaa lagu sheegay in cunaqabateyn ay ku soo rogtay rag ka tirsan Kooxda Alshabaab, waxaana liiska ka soo muuqday xubno sar sare oo kooxdaasi xilal ka haya.

Guddiga Qaran ee ka hortagga lacag dhaqida iyo la dagaalanka maalgalinta waxa ay ugu yeeraan Argagixisada ee DFS ayaa soo saaray liis ay ku qoranyihiin Sideed xubnood oo la sheegay in ay maalgaliyaan kooxda, iyada oo qaar lagu eedeeyey xilalka ay ka hayaan Alshabaab.

Xubnaha ayaa waxaa ugu horeeya Abuukar Cali Aadan( Garweyn) oo ah ku xigeenka kooxda iyo Mahad Cabdiraxmaan Warsame (Karataay) oo isna ku xiga, halka lixda kale ay ka sii hooseeyaan.

Waxaa lagu kala magacaabaa:
Maxamed Mire Jaamac (Mire)
Xasan Yacquub Cali Bari (Abuu Cabaas)
Yuusuf Axmed Xaaji Nuunow (Ganacsade, Bishaar)
Cabdikariin Cismaan Jilicow (Mustaf Caato)
Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule)
Bakar Baashe Axmed Aadan ( Shariif)

Guddiga Qaran ee ka hortagga lacag dhaqidda iyo La dagaalanka Maalgelinta ayaa sheegay in uu uga goleeyahay in uu la dagaalamo maalgelinta waxa ay ugu yeereen argagixisada iyo in la yareeyo khataraha ficilada argagixisada ee dalka.

Sharciga cunaqabateynta cayiman ayaa la ansixiyay sanadkii hore 2023.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed