Xisbi siyaasadeedka Hilaac ee deegaanada Somaliland ayaa ku dhaaqay in Abubakar Xaamud Jibriil u doorteen Guddoomiyaha cusub ee ururkooda in huggaamiyo, ka dib xil ka qaadistii ay ku sameeyeen guddoomiyihii hore Prof. Axmed Ismaaciil Samatar.
Warka ka soo baxay xisbiga ayaa la sheegay in Urur-siyaayadeedka Hillaac oo gudoomiye u doortay Abubakar Xaamud Jibril, ka dib kulan ay xalay golaha fulintu ku yeeshay Xafiiska guud ee magaalada Hargeysa Somaliland.
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa horay u sheegay in xisbigiisu ka tanaasulay doorashada ururrada Somaliland ee soo socota, isaga oo sababta koowaad ku sheegay in ururada cusub laga reebay tartanka doorashada oo dhawaan la filayo in ay qabsoonto.
Kadib, war ka soo baxay hoggaanka sare ee ururka Hilaac ayaa ku dhawaaqay in Prof. Samatar laga qaaday xilkii guddoomiyenimo, iyaga oo cadeeyey in doonayaan ay ka qaybgalaan doorashada soo socota, waxaana ay ku eedeeyeen guddoomiyihii hore in uu qaatay go’aano hal dhinac ah oo aan la isku raacsanayn.
HBN ONLINE TV