Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka jawaabay eedeyn loo jeediyey

Xildhibaan Maxamed Abiib oo gobolka Awgdal ka soo gala golaha wakiilada Somaliland oo maanta Hargeysa shir jaraa’id ku qabtay ayaa iska fogeeyey eedeymo kaga yimid Xafiiska xeer ilaalinta, kaasi oo loo gudbiyey Golaha wakiilada somaliland si cod loogu waado oo Xasaanada Xildhibaanimo looga qaado.

Maxamed Abiib ayaa sheegay in wax dambi ah laheyn laakiin waxa lagu heysto ay tahay in taageero uu u muujiyo “xisbiga talada haya” oo uu ku eedeyey beegsi isaga ka dhan ah,  waxa lagu heystane ay yihiin wax siyaasad la xariira.

Warqad ka soo baxday Xafiiska xeer ilaaliyaha Somaliland ayaa Dacwad kasoo Gudbiyey saddex Xildhibaan Oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland, Si gaar ah waxa xafiiska xeer ilaalintu Dacwadiisa uga soo gudbiyey xildhibaan Maxamed abiib si Xasaanada Xildhibaanimo looga qaado.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed