Wasaaradda amniga gudaha ayaa ka warbixisay hub si sharci darro ah looga keenay dalka Itoobiya oo la sheegay in lagu soo geliyay gobolka Galguduud, kaasi oo gacanta ay dhigeen dad deegaanka ah. Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay falkaasi, waxayna ku baaqday in la iska kaashado sidii loo soo celin lahaa hubkaasi.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda amniga gudaha dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada nabad sugidda Soomaaliya ay qabteen labo baabuur oo hub iyo rasaas fara badan ka soo qaaday dhanka Itoobiya. Hase ahaatee intii uu howlgalka socday ayaa waxaa soo dhexgalay maleeshiyaad hubeysan, waxaana u suuragashay in ay qaataan qaar ka mid ah hubkii ay wateen ciidamada.
“Dowladdu waxay cambaareyneysaa falkan sharci darrada ah, waxayna wacad ku martay inay tallaabo adag ka qaadi doonto kuwa ku lugta leh,” ayaa lagu yiri qoraalka. “Dawlada Federalka ah waxay odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka faraysaa in ay Hay’adaha Amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas”.
Dhacdadan oo Isniintii ka dhacday bartamaha Soomaaliya ayaa waxay hoosta ka xariiqday caqabadaha joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay kala kulmeyso xakameynta hubka sharci darrada ah ee ku soo badanaya xuduudaheeda.
Wasaaraddu waxay ku nuuxnuuxsatay in hubka koontarabaanka ah aanu kaliya wax u dhimayn amniga qaranka balse ay sii hurinayso xasilooni darada gobolka.
Dowladda oo ka jawaabeysa weerarka ay soo qaadeen maleeshiyaatka dowlada ayaa bilowday baaritaano lagu ogaanayo cida ka dambeysay falkaasi iyo sidii loo soo heli lahaa hubkii ay dhaceen. Maamulka iyo odayaasha deegaanka waxaa ay ka codsatay in laga caawiyo raadinta hubka iyo ka hortagga adeegsiga kooxaha aan ammaanka lidiga ku ah inuu u gacan galo.
Ugu danbayn Dawladda ayaa waxa ay ka tacsiyaynaysaa Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhalatay falkaas jid-gooyada ah ee ay gaysteen Maleeshiyaadka hubaysan.
HBN ONLINE TV