Warar dheeraad ah oo ka soo baxay hubkii lagu boobay Caabudwaaq

Waxaa wali lagu muransan yahay oo aan kala caddeyn cidda iska leh hub la sheegay inuu ka soo gudbay xadka gobolka Galguduud uu la wadaago Itoobiya, kaasi oo maleeshiyo hubaysan ku boobeen deegaanka Shiilo madow oo ku yaal duleedka degmada Caabudwaaq.

Iska horimaadka dhex maray maleeshiyaadka deegaanka iyo ciidamo illaalo ka ahaa gawaarida hubka sidday ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho & dhaawac isugu jira. Warar aan si rasmi ah loo xaqiijiin ayaa sheegay ain dagaalkaasi ay ku ku geeriyoodeen ku dhawaad 15 qof, halka tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa waxay isagu jiraan maleeshiyaadka deegaanka iyo ciidan lagu sheegay inay ka mid ahaayeen laamaha amaanka.

Dhinaca kale Maamulka Galmudug ayaa markii ugu horreysay ka hadlay hubkan la bililiqeystay iyo xaaladaha ku gaddaaman, isla markaana ay bilaabeen baariraanka la xiriira cidda iska leh hubkan iyo halka uu ku socday.

Wasiir ku xigeenka amniga Galmudug Cali Baashi Cabdullaahi ayaa sheegay in maamulkoodu aanay war ka hayn xogta hubkaasi, ayna gawaarida siday hubkaasi ku soo galeen deegaanadaasi in shixnada ay sideen ay tahay anteenooyinka isgaarsiinta, balse mar dambe uu yimid tuhun, kaasi oo keenay in maleeshiyaadka deegaanka ay jidgooyo ka dibna uu dhacay isla horimaad saacado socday.

“Waxaa wadnaa baaritaan ku saabsan hubkaan cidda iska leh iyo sababta loo soo galiyay Galmudug” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka amniga Galmudug Cali Baashi Cabdullaahi oo sheegay inay walaac aad u weyn ka qabaan hubka gacanta u galay dadka shacabka ah, maadaama uu ka qeyb qaadan karo colaaddaha gobolka.

Hubkan la aaminsan yahay in uu dalka ku soo galay sharci darada ayaa walaac wayn ku abuuray dadka arrimaha Soomaaliya ka faalooda, kuwaasi oo sheegay in ay dhici karaan in arrimahan dhaliyaan dagaal iyo colaad ka dhex dhacda qabaa’ilka Soomaalida.

Sidoo kale qubarradu dhanka ammaanka ayaa waxay sheegeen in hubkan ka soo galay Itoobiya uu muujinayo sida xaaladda Itoobiya uga darayso isla markaana aan loo xakamayn karin qulqulka hubka taasi oo dhalin karta in xuddduuda dheer labada dal uu ka soo gudbo hub hor leh.

Arrinta kale ka muuqata hubkan ayaa ah sida xudduuda dheer ee Soomaaliya la wadaagto dalalka dariska aysan uga jirin awood dawlad dhexe ama mid maamul gobolleed oo ay ku illaalin karaan xadka ayna ka dhalan karaan waxyaabo badan oo halis ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed