Waxaa maanata magaalada Kismaayo lagu dilay Shan nin la sheegay in ay ka tirsanaayeen Kooxda Alshabaab ee qaybtooda Jubbooyinka.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee deegaanada Jubbaland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaas oo horay la sheegay in magaalada Kismaayo ay uga gaystay dilal kala duwan, waxayna kooxda u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee loo yaqaan madax-jebinta.
Xubnahaan la toogtay ayaa lagu soo eedeeyey in horey ay u dileen Culumo iyo Nabadoonno caan ka ahaa deegaanada Jubbaland.
Dadka ay horay u dileen ragga maanta la toogtay waxaa ka mid ahaa Sheekh Cumar Maxamed Daahir, Sheekh Cabdullaahi Dalab iyo Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo caan ka ahaa magalaada Kismaayo, sidoo kale qaraxyo iyo dilal kale oo deegaanada Jubbaland ay ka geysteen ayey maxkamaddu ku heshay 5-taas nin, waxaana lagu fuliyey qisaasta dadkii ay dileen sida lagu sheegay warkaan ka soo baxay dowladda.
13-kii Bishaan ayey aheyd markii xubno la sheegay in Alshabaab yihiin oo toogasho ku xukuman kuna xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar ay weerar qasaare badan dhaliyey xabsiga ka dhex geysteen. xubnahaasi qaar ayaa loo heystay weerarkii Soobbe 2 oo dad badan ay ku dhinteen.
HBN ONLINE