Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan magaalada Caabudwaaq ayaa sheegaya in deegaanka Shiilo-madoow lagu qabtay laba baabuur oo ah kuwa xammuulka oo uu saaran yahay hub fara badan oo sida la sheegay ka soo gudbay dhanka Itoobiya.
Hubkan ayaa waxaa la wareegay maleeshiyo beeleed deegaanka ka soo jeeda, iyadoo uu dhacay iska horimaad dhimasho sababay oo dhexmaray maleeshiyaadka & ciidamo lagu sheegay inay ka tirsan yihiin Nabadsugidda Soomaaliya. Lama oga cidda iska leh hubkan iyo halka uu ku socday.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan magaalada Caabudwaaq oo HBN TV la hadlay ayaa xaqiijiyey in gawaarida ay galbinayeen ciidanka Booliska, balse ay is hortaan ku sameeyeen dadka deegaanka, kuwaas oo markii dambe gacanta ku dhigay hubkii saarnaa mid ka mid ah labada gaari.
Muuqaalo iyo sawiro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya caddeymaha hubka noocyadiisa kaal duwan kan fudud oo baco ku jira oo ay gacanta ku hayaan dad.
Lama oga cidda iska leh hubkan iyo halka uu ka socday, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug iyo Dawlada Federaalka oo ku aadan hubkan faraha badan ee la qabtay.
HBN ONLINE TV