Dowladda Soomaaliya oo kala hadashay QM bixitaanka Ciidamada ATMIS

Kulan ay maagaladda Muqdisho kuwada yeesheegeen masuuliyiin ka kala socota DFS iyo QM oo looga hadlay xaaladda dalka ayaa lagu soo hadal qaaday bixitaaka Ciidamada Nabad ilaalinta QM Soomaaliya ee ATMIS, kuwaa oo dowladdu horay u sheegtay in dabayaaqada sanadkan ay ka bixi doonaan dalka.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga ayaa kala hadlay xoojinta wada shaqaynta iyo tageerada mustaqbalka ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana la sheegay in kulanku uu kusoo dhamaaday sidii qorshuhu ahaa.

Sida oo kale inta uu kulanku socday ayaa laga laba masuul isku soo hadal qaadeen bixintaanka bixitaanka Ciidamada ATMIS oo la filayo dhawaan dalka isaga baxaan sida uu qorshuhu yahay iyo taageerada sanduuqa Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed