Ciidamada Kenya oo dilay xubno Alshabaab ah iyo furashada saanad hub ah
Howlgallo ka dhan ah Alshabaab ayaa ciidamada ammaanka Kenya waxa ay ku dileen afar ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kale waxa ay gacanta ku dhigeen hub aad u badan, kadib, howgal ka dhacay meel ku dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Hawlgalka ay sirdoonku hogaaminayeen oo ay fuliyeen Kooxda Ammaanka ee Hay’adaha Kala Duwan ee Deegaanka Banisa, ee Mandera, ayaa muujinaysa lagu bayaan la soo saaray in ‘guul muhiim ah” laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Alshabaab oo ku soo duushay Kenya.
Inta uu socday howlgalka, ayaa waxaa lagu dilay afar ka mid ah mintidiinta, halka sideed kalana ay u suurtagashay in ay baxsadaan, inkastoo ay dhaawacyo soo gaareen. Kooxda nabadsugidda ayaa soo furtay hub badan oo ay ka mid yihiin “ afar qori oo RPG ah, qori PKM ah, toddobo qori AK-47 ah iyo shan taleefan oo gacanta ah.” sida lagu sheegay warbixinta booliska.
Saraakiisha ammaanka ayaa bogaadiyay guulaha laga gaaray howlgalka, iyaga oo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda howlgallada noocan oo kale ah ay ku sugayaan ammaanka muwaadiniinta Kenya, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaannada xuduudka ah ee u nugul weerarada kooxaha hubeysan.
Warbixinta booliska ayaa lagu soo gabagabeeyey, in Hawlgalkan qayb ka yahay istaraatiijiyadda ballaaran ee Kenya ay kula dagaalamayso Alshabaab oo mararka qaar u talaaba, iyada oo loo marayo dadaallo la isku dubariday ee wadaagga sirta ee hay’adaha ammaanka
HBN ONLINE TV

